Ciidamo Maraykanka ah oo dad shacab ah ku dilay Afghanistan

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Afghanistan ayaa rasaas ay fureen waxaa ku dhintay Saddex qof oo shacab ah oo ay ku jiraan labo carruur ah ka dib markii gaaria qarax miino ay kula kacday degmao ku taal xadka uu Afghanistaan la wadaago dalka Pakistaan.

Ciidamada ayaa toogasho ku dilay nin afghanistan ah iyo labo wiil oo uu dhalay degmada Ghani Khel, oo dhacda koonfurta gobalka Nangarhar sidaasi waxaa sheegay afhayeen u hadlay gudoomiyaha gobolka oo lagu magacaabo Attaullah Khogyani.

“ka dib markii uu qaraxa la kacay gaarigooda ciidamada Maraykanka waxa ay bilaabeen in ay toogtaan hal nin iyo labo wiil uu dhalay oo meesha ka dhawaa.” Ayuu hadalkiisa kusii daray

Mas’uuliyiinta ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afghanistan ayaa sheegay in ay bilaabayaan baaritaano ku aadan shilkan si qaldan ku dhacay.

Si kastaba ha ahaatee sabtidii ayey aheyd markii ay diyaaraha dagaalka Maraykanka ay dileen Saddex ka mid ah ciidamada boliiska Afghanistan halka ay ku dhaawacmeen ciidamo kale oo fara badan ka dib markii ay si wadajir ah howlgal uga fulinayeen gobalka Helmand.