Qarax lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo Milatari ah

Hal askari oo milatariga ka tirsan ayaa dhintay labo kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax ka dhacay gobolka Qatif ee bariga dalka Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in bam uu ku qarxay gawaari ay wateen askarta roondada samaysa oo marayay degaanka Masoura oo ka tirsan gobolka al-Awamiyah.

War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in dhacdadaasi ay tahay mid argagixiso.

Rabshado ayaa wakhtiyadii dambe ka jiray gobolka Qatif oo ay ku badan yihiin Shiico.

Guud ahaan dalka Sacuudigase waxaa aqlabiyad ah dadka Suniyiinta ah.

Qarax kale oo gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay isla Qatif labadii bishan lixaad.