Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay degaano katirsan Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 6 aad Guutada 16 aad ee Kumaandooska DANAB & Guutada 5 aad ee Qeybta 27 aad  ee Ururuka 8 aad Guutada 18aad  Kumaandooska  Gorgor ayaa howlgallo amni xaqiijin ah kawada degaano dhowaan laga saaray Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla Gobolka Hiiraan.

Degaannada ay Ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa kamid ah, Ceel la helay, Nuur Fanax, Beer xaane,Baardheere,  Booco, Garasyaani iyo degaano kale oo dhaca jiin Wabiga Shabeelle.

Howlgallada waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan wuxuuna xusay in Shacabka degaannada laga saaray Al-shabaab dib ay u heli doonaan dhamaan waxii Muhiim u ahaa nolasha Bulshada sida Amniga, Goobaha cafimaadka,waxbarashada, xuriyada Hadalka & Cadaalada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay jabeen lagana xureeyey  degaannadii ugu dameeyay ee dhaca bariga Gobolka Hiiraan, inta dhimana lagu wajahan yahay oo aan looga hari doonin ilaa Gobolka Hiiraan laga wada saaro.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha  Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu ugu baaqay shacabka degaannada laga saaray Al-Shabaab inay la shaqeeyan Hay’adaha Ammaanka si loo xaqiijiyo Himilada Nabad-galyada iyo Dowladnimada iyo Hormarka bulshada.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho ku maraya degaannada laga saaray Al-Shabaab, iyaga oo saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.