Ciidamada Jubbaland oo fuliyay Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maamulkaas

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen tuulooyinka Qudus iyo Beerxaani oo dhinaca Galbeed 70km ka xiga Magaalada Kismaayo  halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa la sheegay in uu Ciidamada ku amray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana saraakiisha hoggaamineysa oo Saxaafadda la hadlay ay sheegeen in howlgalkaas lagu dilay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intasi ku dareen in deegaannada ay howlgalka ka fuliyeen ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen Ciidamo badan oo doonayay inay weeraro ka geystaan deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Gobolada Jubbooyinka majiraan dhankooda Al-Shabaab wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan in Xubno ka tirsanaa looga dilay howgal laga fuliyay Jubbada Hoose.