Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa dhawaan Turkiga kusoo tababartay ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyinka hoostaga.
Howlgalka ayaa ka dambeysay kadib markii xalay rag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmadaas,waxana Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay sika difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.
Wararku ayaa ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda oo wata hubka noocyadiisa kala duwan iyo Gaadiidka dagaalka lagu arkayo degmada Awdheegle iyo tuulooyinka ku dhow dhow oo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay shegeen in howlgalka uu socon doono ilaa Ciidamada Dowladda ay gacanta uga dhigayaan deegaannada iyo degmooyinka ay weli Gobolkaasi Shabeellaha Hoose kaga suga yihiin Ururka Al-Shabaab.




