Dhageyso:-Faah faahin laga bixiyay Haweeney lagu toogtay degmada Baardheere

Hay’adaha Amniga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen Haweeneey Maanta Ciidamada Booliska degmadaas  toogteen,xilli la sheegay in bambaanooyin ay ku weerartay Saldhiga degmadaas.

Taliyaha Amniga degmada Baardheere Xuseen Maxamed Xasan ayaa marka hore sheegay in aan waxba ka jirin wararka sheegayay inay Haweeneydaa ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa,hayeeshee kaliya ay bamboo ku tuurtay ilaalada saldhiga.

Isaga oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in laba askari ay bambadaasi ku dhaawacmeen,kuwaas oo ka mid ahaa Ciidamada ilaalada saldhiga Booliska degmada Bardheere,kuwaas oo dhaawacooda uu fudud yahay.

Hadalka Taliyaha Amniga degmada Baardheere ayaa kusoo aadaya xilli Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ay Maanta sheegtay in Ciidamada Ammaanka Baardheere ay toogteen haweeney dooneysay inay Saldhiga isku qarxiso.

Sawiro laga soo qaaday Haweeneyda la toogtay ayaa muujinayay, iyada oo xiran Jalbeeb Madow, hayeeshee aysan jirin qalab loo adeegsadao isqarxinta oo jirkeeda laga soo furay.