Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan G/Sh/dhexe

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya deegaanka Biyo Cadde oo ku yaallo duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa saakay aroortii la wareegay gacan ku haynta Deegaankaasi.

Ciidamada oo isku diyaariyay inay qabsadaan Deegaankaasi, ayaa iyaga oo wata gaadiid dagaal oo fara badan si nabad ah ay kula wareegeen saaka aroortii Deegaanka.

Deegaanka Biyo Cadde waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Shabaab oo weerarada ay ku qaadaan Degmada Mahadaay, halkaasi ka soo abaabuli jiray.

Saraakiisha horkaceysa ciidanka la wareegay Deegaanka Biyo Cadde, ayaa waxa ay sheegeen  in si nabad ah halkaasi ay ku qabsadeen, iminkana ay ku jiraan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo oo dib ay ka faah-faahin doonaan.

Shabaabkii ku sugnaa Deegaanka oo isaga baxay halkaasi markii ay maqleen in ciidamo badan ku soo fool leeyihiin, ayaanan la garaneyn halkii ay qabteen, inkastoo markii horeba ay ahaayeen ciidan aanan sidaasi u badneyn.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaanan badneyn Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee halkaasi ay ka sameeyaan.