Dhageyso: Ilka Xanaf ” Laba Urur Saxaafadeed ma jiraan mana arag annaku”

Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka oo maanta saxaafada kula hadlay xafiiskiisa ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka ay usoo baxday go’aankii ay maxkamada sre ugu xukuntay in Cumar Faaruuq uu yahay Guduoomiyaha ururka suxufiyiinta ilaa doorasha laga qabanaayo.

Caydiid ayaa sheegay in aysan garanayn meesha looga noqon laha isagoona intaa raaciyey in waqtiga uu dhacay la iskuna dulqaato ninkii xil doonayana in la fasaxay waxaana uu dhanka kale tilmaamay in xiligaan uusan ahayn Urur suxufiyiinta  mid madax banaan

garyaqaanka guud ee dalka Cismaan Cilmi ayaa isaguna waxaa uu arintan ku tilmaamay in ay tahay waxba kama jiraan.

Wali waxaa muran uu ka taagan yahay hogaanka saxda ah ee ururka saxafiyiinta ah ee NUSOJ iyadoona ay isku heestaan Cumar  Faaruuq iyo Maxamed Ibrahim Bakistaan.

Iyadoo wasaarada war faafinta soomaaliya ay maanta war saxaafadeed ay soo saartay ay ku sheegaty inaanay jirin hogaan urur saxaafadeed oo sifo sharci ah ku fadhiya.