Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay la kulmaan wakiilo ka socda kooxda AC Milan si ay kala hadlaan qiimo £ 49million in ay kaga qaataan daafaca Alessio Romagnoli, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Italy.
Ciyaaryahanka reer Italy ayaa ku wanaagsan shaxda ah seddex daafac ah, taas oo ah dooqa koowaad ee macalinka Blues Antonio Conte.
Conte ayaa aad u jecel 21-sano jirkaan daafaca ka ciyaara iyadoo Calciomercato uu sheegayo in Romagnoli macquul ay tahay inuu dhaqaaqo Janaayo.
Inkastoo David Luiz ay kasoo qadatay PSG xagaagan kooxda Chelsea, Conte ayaa diyaar u ah inuu adkeeyo daafaciisa isagoo door bidaya inuu shaxdiisa ka dhigayo saddex daafa,
Romagnoli ayaa lagu qiimeeyaa £ 49million waana qiimaha ay hadda usoo bandhigtay kooxda Chelsea.


