Nin ku biiri rabay Shabaab oo 10 sano lagu xukumay

Simon Karuga Gitau , oo 32-jir ah ayaa lagu xukumay 10 sano oo Xabsi ah kadib markii Maxkamadda ay ku eedeeysay in uu u safray Soomaaliya, doonayayna in uu ku biiro Al-shabaab.

Ninkan ayaa la xiray 13-kii Septembertii la soo dhaafay, waxaana gacanta ku dhigay dadka deegaanka ee dhinaca Somaliya,kuwaas oo ku wareejiyay Booliska Soomaaliya,iyagana ay dib ugu sii wareejiyeen Ciidanka Kenya ee Mandheera jooga.

Simon,Qareenkiisa ayaa ku dooday in uusan u socon Soomaaliya ee uu doonayay in uu ka shaqeysto Mandhera,laakiin garsooraha Maxkamadda ayaa ku caddeeyay in 8-KM gudaha Soomaaliya laga soo qabtay.

Qareenku waxaa uu sheegay in uu raadinayay Guri raqiis ah oo uu ka kireysto Mandhera maadaama maalintiiba ay ka baxayesay 200 Shilinka Kenya ah,uuna raadinayay Guri uu bishii ku kireysto 400 oo Shilinka Kenya ah.