Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka socota Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Deegaanada Koonfur Galbeed.
Doorashada oo haatan socota ayaa waxaa goob joog ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, Guddiga Doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale.
C/kaafi Macalin Xasan ayaa ku guuleystay kursigii koowaad ee xubnaha Aqalka Sare u matali lahaa Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo helay 88 cod, halka Cali C/laahi oo la tartamayay uu helay 42 cod.
Sidoo kale kursiga Labaad waxaa ku soo baxay Ilyaas Cali Xasan oo helay 91 cod, halka Ibraahim Cali Axmed (Aayatullaah) oo la tartamayay uu helay 39 cod, waxaana khasaartay 3 cod.


