DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa markii ugu horeysay soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, iyagoo ka soo amba baxay Magalada Jowhar.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkan Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe)

Ujeedka safarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka, iyagoo kala hadlaya arrimo la xiriira Maamulkan cusub.

Maalintii Isniinta ayay aheyd markii Magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa.

 

2w 1w 3w