DHAGEYSO: Wafdi tagaya xeryaha Dhadhaab

Wafdi ka socda Maamulka Jubbaland ayaa tagaya xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya, si ay uga dhaadhiciyaan Dadka Soomaalida ah ee halkaasi ku nool in ay Dalkooda ku soo laabtaan.

Kulan ay Magaalada Kismaayo ku yeesheen Hay’ada UNHCR, Dowladda Kenya iyo Dowladda Soomaaliya ayay iskula afgarteen Qaxootiga ka imaanaya Dhadhaab in la geeyo Deegaanada Jubbaland.

Jubbaland ayaa loo balan qaaday in dadkaasi loo dhisayo Guryo ay degaan, sidoo kalena Mashaariic kala duwan Magaalada Kismaayo laga fulinayo, taasina ay keentay in Jubbaland ay wafdi u dirto Xeryaha Dhadhaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame (Darwiish) ayaa warbaahinta u sheegay qorshaha in uu yahay in uu safar ku tago xeryaha Dhadhaab ee Dalka kenya.

Ku dhowaad Toban iyo Shan Kun oo Soomaali ah oo dib uga soo laabtay Kenya ayaa ku nool Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo aanan heysan meel ay ku hoydaan iyo wax ay cunaan.