John Stones : Kama Baqaayo Lionel Messi

Daafaca Man City, John Stones ayaa sheegay inuusan ka cabsaneyn inuu wajaho Messi iyo Barcelona marka ay Man City caawa booqato Camp Nou kulan ka tirsan Champions League.

Pep Guardiola kooxdiisa ayaa waxaa hortaala shaqo adag oo daafaca ah madaama ay wajahayaan MSN tiiyoo ay jirto in Man City aaney xili ciyaaredkan marna shabaqa ilaashan.

Si kastaba Stones waxaa uu diiday iney cadaadis waali ah tahay in laga hor tago xidigaha waa weyn sida Messi.

“Wax cabsi ah kama qabo inaan ka hor tago Messi, waxaa filaya ka hor tagida kuwa ugu fiican aduunka waxa ay kuu muujinaya sida loola macaamilo inaad fahamato taas oo mustaqballka mid wanaagsan kaa dhgi doonta.

“Ani ahaan Messi waxaan u arkaa ciyariyahanka ugu fiican aduunka, sodoo kale waxaan ka hor tagi doonaa markale Suarez oo aan dhowr jeer iska hornimid xiligisii Liverpool.