Arsenal ayaa isha ku heyn doonta inay ka fogaato inay ku sibxato tartanka UEFA Champions League marka ay wajahdo kooxda Ludogorets Razgrad ee dalka Bulgaria caawa oo Arbaco ah waxayna Gunners isha ku heysaa inay xukunto safkeeda Group A.
Ka dib barbardhicii 1-1 ahaa ee ay la gashay kooxda Paris Saint-Germain, Arsenal ayaa guul 2-0 ah ka gaartay kooxda reer Switzerland ee FC Basel ciyaartaas oo dhacday FLY Emirates Stadium, waxayna haatan kooxda ka dhisan Waqooyiga London isha ku heysaa inay ku dhammeysata hogaanka Group A oo ay haatan ku dhegan tahay.
Kulanka: Arsenal vs. Ludogorets Razgrad
Saacadda: 9.45pm (Xilliga Geeska Africa)
Garoonka: FLY Emirates Stadium – Arsenal
Ciyaaraha Wareegga 3aad Group A – UCL
Wiilasha Arsene Wenger ayaan ku nagaan guuldarro la’aan afartooda kulan ee ugu horreysa wareegga guruubyada Champions League tan iyo xilli ciyaareedkii 2011/12, waxaana xusid mudan inay markasta Arsenal kusoo hareysay wareegga 16ka ee tartankaan maadaama aysan awood u yeelan inay ku guuleysato guruubkeeda.
Kulankoodii ugu dambeeyey ee horyaalka England Premier League, Arsenal ayaa guul 3-2 ah ka gaartay kooxda Swansea City, waxayna guushaasi aheyd middii lixaad oo xiriir ah oo ay ka gaarto tartamada oo idil.
Dhanka kale, kooxda Ludogorets Razgrad ayaa isha ku heysa inay gaarto guusheedii lixaad oo xiriir ah, laakiin Arsenal ayaa kalsooni ku qabta xaqiiqada ah in kooxda reer Bulgaria ay keliya hal guul gaartay sideed kulan oo ay hore u ciyaartay tartankaan Champions League iyadoo shan kulan laga adkaaday mudadaas, sidoo kale laba barbardhac ayey gashay.
MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?
Olivier Giroud iyo Aaron Ramsey ayaa Talaadadii shalay aheyd kusoo laabtay tababarka Arsenal, laakiin tababare Arsene Wenger ayaa doonaya inuu siiyo waqti dheeri ah oo ay uga soo kabsadaan dhaawacyo cajirka kasoo gaaray.
Goolhaye David Ospina ayaa bedeli doona Petr Cech iyadoo ninka reer Colombia uu ciyaaray labadii kulan kooxdiisa ee Champions League xilli ciyaareedkaan, laakiin kabtan Per Mertesacker iyo Danny Welbeck ayaa weli dhaawacyo uga maqan Arsenal.
MA OGTAHAY?
Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo ay ciyaar rasmi ah ku kulmaan kooxaha Arsenal iyo Ludogorets. Waxay sidoo kale noqon doontaa markii ugu horreysay oo ay Arsenal wajaheyso koox ka dhisan Bulgaria tartamada oo dhan.
Liverpool ahaa ah kooxda keliya ee England ka dhisan ee hore ula ciyaartay Ludogorets waana xilli ciyaareedkii 2014/15 markaasoo ay ku kulmeen wareegga guruubyada Champions League. Kooxda ka dhisan Bulgaria ayaa 2-1 looga adkaaday ciyaartii ka dhacday Anfield Road ka hor inta aysan labada kooxood barbardhac 2-2 ah kusoo gelin Sofia.
CSKA Sofia ayaa ah kooxda keliya ee ka dhisan Bulgaria eek u badisay ciidda England kulan marti ah tartanka European Cup ama Champions League waana bishii October 1980kii markaasoo ay 1-0 ku garaacday kooxda Nottingham Forest.
Wixii intaas ka dambeeyey, kooxaha ka dhisan Bulgaria ayaa laga adkaaday afar jeer oo ay soo booqdeen ciidda England tartankaan Champions League.
SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN
Arsenal (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Xhaka, Cazorla; Walcott, Ozil, Iwobi; Sanchez
Ludogorets (4-5-1): Stoyanov; Moti, Minev, Palomino, Pimienta; Dyakov, Anicet, Wanderson, Marcelino, Misidjan; Cafu


