Donald Trump oo casuumay Obama walaalkiis

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku casuumay madaxweyne Barack Obama walaalkisa in uu kamid noqdo martida ka qeyb galeysa dooda seddaxaad ee ugu dambeysa ee uu caawa Las Vegas kula yeelanayo Murashaxa ay ishayaan ee Hillary Clinton.

Malik Obama oo ah Muslim haysta dhalashooyinka mareeyka iyo Kenya ayaa usheegay jaraaidka New York Post in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb qaadashada dooda wuxuuna sheegay in uu aaminsanyahay in Donald Trump uu mareykanka isbadal u keeni doono.

Bishii July, wuxuu sheegay inuu u codeyn doono xisbiga Jamhuuriga, wuxuu ku eedeyay madaxweyne Obama in uusan wax u qaban dadka Mareykanka iyo qaraabadiisa Kenya ku nool oo rajo ka qabeen inuu wax badan u qabto markuu xilkii madaxweynaha qabtay.

Malik Obama ayaa beeniyay eedeymaha ay dumar u jeediyeen Donald Trump ee ahaa inuu ku xadgudbay.

”Ma aaminsani, sababtoo ah maxay xilli hore isu soo bandhigi waayeen?” ayuu yiri

Hadalladaasi ka dib Trump ayaa usheegay jaraa’idka in uu jecelyahay inuu la kulmo Malik Obama

Madaxweyne Obama walaalkisa waxa uu isku deyay inuu siyaasadda ku biiro ka dib markii sannadki 2013 u tartamay kursiga barasaabka gobolka Siaya ee dalka Kenya.

Barack Obama wuxuu ku dhashay Gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka. Hooyadisa waa Mareykan abahiisana waa Kenyaan kaas oo ka tagay asigoo laba sano jir ah.

Obama wuxuu booqday Kenya sanadkii hore markii ugu horeysay kadib markii uu ku guuleestay doorashadii 2009-ka.