Hayadda boliiska ee Yurub, Europol, ayaa sheegtay in howlgal balaaran oo ay ka qaybgaleen konton iyo kow waddan in lagu xiray in ka badan saddex boqol oo qof laguna qabtay ku dhawaad laba tan iyo bar ee daroogada kookaynka.
Waxay sheegtay in dadka la soo xiray ay ku jireen dad lagu tuhunsan yahay inay dadka si sharcidaro ah u dhoofiyaan iyo kuwo ka ganacsada daroogada.
Hayada ayaa sheegtay in in kabadan shan boqol oo qof oo si sharci daro ah loo soo dhoofiyay lagu helay howlgalka socday toddobaad.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday danbiyada qorshaysan ee Yurub iyo meelaha kale.


