Dood ka dhex taagan Golaha Shacabka

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si weyn uga soo horjeestay Ajandaha kulanka Golaha Shacabka ee ah in Warbixin looga dhageysto guddiga dib u eegista dastuurka.

Xildhibaanada qaarkood waxa ay sheegeen in aan la aqbali karin dhibaatadda heysata dadka kunool Magaalada Muqdisho ee ah in Wadooyinkii la xiray haddana qaraxyo ay dhacayaan laga Aamuso.

Xildhibaanada ayaa soo qaatay boorar ay kaga soo horjeeddaan Ajandaha kulanka, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in laga hadlo Ammaanka sii xumanaya ee Caasimadda.