Xarun Telefishin oo ku taalla Muqdisho oo sheegtay in weerar lagu soo qaaday

Barta Baraha bulshadda ee Telefishinka Universal oo ka mid ah kuwo Madaxa banaan ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay Saaka weerar kusoo qaadeen.

Dagaal socday Muddo kooban ayaa dhexmaray Ciidanka Ilaaladda ka haayay TV-ga ,Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya qeybta  xigta dhanka degmada Boondheere.

Wali si rasmi ah looma shaacin Khasaaraha ka dhashay weerarka  iyo sababta ka dambeysa in la weeraro, iyaddo ay xusid mudan tahay in uu ku yaalla meel u dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.