Sideed ka mid ah Badmaaxiinta Iiraan ayaa laga siidaayay Gacmaha Burcad Badeedda Somaliya kadib markii lagu dhameeyay wada xaajood dhexmaray Safaaradda Senegaal ee Muqdisho iyo Burcad badeedda Somalida ah.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Iiraan oo lagu magacaabo Cali Yare Muxamaddi ayaa sheegay in Isniintii shalay lagu guuleystay siideynta 8 qof ee u dhashay Iiraan.
Xildhibaanka waxa uu sheegay in Badmaaxiinta ay hada ku jiraan xarunta Safaaradda Senegal ee Muqdisho,islamarkaana la filayo in dhawaan loo duuliyo dalkooda Iiraan.
Badmaaxiintan ayaa la qabsaday Bishii May ee sanadkii 2016-kii iyaga oo saarnaa doon Kalluumeysi oo Xeebaha Somaliya ay ka qabsadeen Burcad Badeedda Somalida ah.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in 12 qof oo kale oo la socday Doonta laakiin aan Iraaniyiin ahayn ay ku jiraan gacanta kooxaha Burcad Badeedda Somalida ah.
Iraan, ma aysan sheegin in raggan lagu siidaayay madax furasho lacageed iyo in si kale loo dhameeyay waxaase ay qirtay Dowladda in uu jiray wada xaajood dhexmaray Safaaradda Senegal ee Muqdisho iyo Burcad Badeedda Somalida ah.
Tan iyo 2008-ddii waxaa Xeebaha Somaliya ka shaqeeya Markab ay Iiraan leedahay oo ku jira howlgalka ka dhanka ah Burcad badeedda kaas oo ilaaliya Maraakiibta Ganacsiga ee Iiraan ama kuwa ay Ruqsadda ganacsi siisay ee mara Gacanka Cadmeed.


