Booliska Australia oo toogasho ku diley muwaadin Soomaaliyeed

Booliska dalka Australia ayaa toogasho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yacquub Kheyre oo lagu eedeeyay in uu Afduub u geystay qof dumar ah.

Sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta dalkaasi ninkaan ayaa Afduubtay haweenay u dhalatay dalkaasi , waxaana xiriir ay lasoo sameysay ciidamada booliska ay u sheegtay in uu Afduubtay nin ka tirsan Kooxda Daacish.

Dagaal ayaa dhexmaray Ciidamada Booliska iyo sidoo kale ninka Soomaaliyeed oo la sheegay in uu hubeysana , waxaana uu dhaawac u geystay mid ka mid ah Askarta Booliska dalkaasi.

Ninkaan Soomaaliyeed oo la hadlay Eheladda Haweenayda la Afduubtay ayaa u sheegay in uu ka tirsan yahay Daacish.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen afduubka waxana garabka warbaahinta u qaabilsan ay sheegeen in weerarka afduubka uu ahaa mid loogaga soo horjeedo ka mid ahaanshaha dowlada Australia ee isbahaysiga la dagaalama ururka Daacish.