Beesha caalamka oo taageertay Shirkii Madasha Qaran

Beesha caalamka ayaa taageertay war mutiyeed dhawaan laga soo saaray shirkii madasha wadatashiga qaran ee lagu soo gabagabeeyey magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa  sheegay in ay tahay tilaabo hormar leh oo horay loo qaaday ,sidaas darteedna beesha caalamku ay bogaadinayso.

War ka soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Ethiopia, Italy, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa lagu  soo dhoweeyay war murtiyeedkii laga soo saaray shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

“Madaxda dowladda Soomaaliya waxay yeesheen kulan socday 5 maalmood,waxayna si aada uga wada hadleen arimaha siyaasada Soomaaliya iyo geedi socodka doorashada sanadkaan 2016, ugu dambeyntii waxay  isku raaceen go’aamo muhiim ah” sidaas waxaa yiri  u qaabilsan Qaramada Midoobe arimaha Soomaaliya Michael Keating

Beesha caalamka ayaa si weyn u taageertay qaar ka mid ah qodobadii ku jiray warmurtiyeed oo ay ka mid yihiin in kuraasta qaar ka  mid ah beelaha iyo sidoo kale go’aankii ahaa in la dhiso guddiyo kala duwan oo ka shaqeyn doono arimaha doorashooyinka.