Bayern oo hogaanka Bundesligaha la qabatay naadiga Dortmund

Kooxda Bayern Munich wey soo laabatay waxayna haatan hogaanka Bundesligaha la qabatay kooxda Dortmund ayagoo wada leh 20-dhibcood.

Bayern kulankeedii ugu dambeeyay waxay 1-0 guusha kaga qaadatay naadiga Hamburg waxaana goolka u dhaliyay Corentin Tolisso.

Tan iyo markii macalin Jupp Hynckes loo dhiibay Bayern waxay gaartay sedex guul oo xariir ah sidoo kalena wax gool ah lagama dhalinin.

Bayern waxay ka faa’iideesatay dhibcaha ay lumisay naadiga Dortmund oo kulankeedii ugu dambeeyay 2-2 la dhaafi weesay naadiga Eintracht Frankfurt.

Bundesligaha Jarmalka haatan waxaa la cayaaray 9-kulan waxayna Bayern iyo Dortmund isla leeyihiin 20-dhibcood inkastoo Dortmund farqiga goolasha hogaanka ku heyso.