Waxaa la su’aalay Ciyaaryahanka ugu wanaagsan uu la ciyaaray laacibkaan Wales ka soo jeeda, wuxuuna booskaasi ka saaray Ronaldo oo cid walbo ay maleysaneysay.
Xidiga Real Madrid Gareth Bale ayaa sheegay laacibkii ugu wanaagsan ee Abid garoon uu galo inuu yahay Halyeeyga Manchester United Laacibkii waqtiga dheer ku qaatay Garoonka Old Traford Ryan Giggs.
27-jirkaan ayaa riyo u arkay inuu garoonka la galo Xidigii Manchester United labo jeer oo ay gudanayeen waajibaadka xulka qaranka Wales, waxaana ka mid ahaa kulan 3-0 ay kaga adkaadeen San Marino sanadkii 2007.
“Aniga ahaan ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee aan la ciyaaray waa Ryan Giggs. Waa geesigeyga waana halyeeyga kubada cagta sidoo kale wuxuu igu caawiyay xulka qaranka,” ayuu yiri Bale


