Macalinka Bournemouth ayaa dareensan in Isbedel weyn uu kooxda ku soo kordhiyay adeega Jack Wilshere, oo si amaah ah ula jooga kooxdaan.
Jack Wilshere ayaa ku soo biiray maalintii ugu dambeysay suuqa Bournemouth markaas uu ka soo tagay Arsenal.
Tababare Eddie Howe, ayaa si weyn u amaanay bandhiga wanaagsan ee Xidigaan Ingiriiska ah, isagoona u ciyaaray 8-kulan oo horyaalka 2016-17, waa in ka badan labadii xili ciyaareed ee ka soo dhaafay oo dhaawacyo ay dhibaateeyeen.
“Tayadiisa kubada waa mid sare, wuxuu leeyahay farsamo aad u wanaagsan, si weyn ayuuna ugu raaxeystaa ciyaarta, gabi ahaana wuu bedelay kooxda qaabka ay u ciyari jirtay,” ayuu Howe u sheegay Sky Sports.
“Waxaan u maleynayaa inuu doonayo isaga in wax kasta uu ku guuleysto wuxuuna ku jiraa inuu iloobo labo sano oo dhaawacyo halis ah ay soo mareen, kulan walbana hormar ayuu sameynayaa hada.


