Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud oo shalay ay ka dhaceen Dagaal beeleedyo ayaa saakay xaaladeeda waxa ay tahay mid degan.
Dagaal beeleedka ka dhacay Magaalada Caabud-waaq ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, waxaana Dagaalkooda uu salka ku hayaa Aanooyin qabiil iyo xiisado maalmahan Degmada ka taagnaa.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada Muuse Maxamed Axmed oo la hadlay Risaala ayaa ka warbixiyay Dagaalada ka dhacay Caabud-wazaq iyo jawiga degmada.


