Axmed Madoobe oo dalbaday waqti kale oo wasiirada uu kusoo magacaabo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa maalmo kale oo dheeraad ah ka dalbaday markale baarlamaanka maamulka Jubbaland si uu usoo dhiso golaha wasiirada maamulkiisa.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Kismaayo iyaga oo ka shiraya dalabka kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Ajandaha ay ka doodayaan maamulkaasi ayaa waxaa uu yahay in go’aan ay ka gaaraan codsi kaga yimid Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland kaas oo uu baarlamaanka maamulkaasi in ay u kordhiyaan waqtiga uu ku soo Magacaabayo Golaha Wasiirada Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ah Markii Shanaad oo Baarlamaanka Maamulkaasi uu waqti weydiisto si uu u soo dhiso Golaha Wasiirada Jubbaland tan iyo markii Axmed Madoobe Dib loo doortay, waxaana uu hadda uu dalbaday muddo 41 maalin oo dheeri ah.