Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku tartami doona Degmooyinka Awdhiigle iyo Dharkiinley oo Labaduba ka tirsan gobolka Banaadir.
Tartanaka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa sanadkan Taaba Galinaya Shirkadda Cabitaanada COCA COLA.
Labada Degmo oo Tartanka Galabta ka hor la hadlay Idacaadda Risaala ayaa sheegay in galabta ay diyaar uyihiin Tartanka.
Degmooyinka Awdhiigle iyo Dharkiinley ayaa galabta waxa ay cayaari doonaan kulamadooda Labaad.
Tartanka ayaa galabta waxa uu bilaaban doonaa saacadda marka ay tahay 04:00 PM Galabnimo.



