Arsenal ayaa usoo kacday kaalinta 4aad ee horyaalka labo isbuuc ka dib markii ay kooxda Manchester United ay gaarsiiyeen guuldaradii ugu horeysay horyaalka ku dhacda tababare Solskjaer.
Unai Emery, oo Arsenal maamula ayaa ka dharagsanaaa awooda Ole iyo kooxdiisa, isagoo sameeyay xaalado badan oo uu kaga faa,iideysto natiijada kulanka.
Gunners ayaa haatan hal dhibic u jirta Tottenham Hotspur oo kujirta booska sadexaad, taasoo 10 dhibcood ka sareysa 16ka maalmood ka hor.
Daqiiqadii 40aad ee ciyaarta Xhaka ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal, ka hor inta Pierre-Emerick Aubameyang goolka labaad raacsan qeybta labad ee ciyaarta.
Arsenal ayaan si wanaagsan u ciyaarta qeybtii labaad ee ciyaarta, iyadoo goolhayaheeda kaga mahadcelineysa goolal fursan oo uu ka badbaadiyay ciyaartooyda Utd.
Manchester United, waxaa ku dhacay nasiib darro rajo walba oo ay ka laheyd ciyaarta kadib narkii rigoore u muuqatay mid muran dhalin kartay lagu abaalmariyay kooxda Arsenal.