Arsenal oo heshiiska u kordhin doonta Chamberlain

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay heshiis cusub in ay siiyaan Chamberlain ,ka dib markii la sheeegay inuu bartilmaameed u noqday afar koox oo ka dhisan Premier League .

ciyaaryahanka Alex Oxlade-Chamberlain, ayaa waxaa usoo bandhigtay Liverpol £30 milyan,waxaana sidooakle ciyaaryahanka la sheegay in uu xiiso ka helaayo West Ham.

Sida laga soo xigtay website Football Insider, Gunners waxaa ka go’an in ay ilaashadaan ciyaaryahanka khadka dhexe inkastoo uu xilli ciyaareed isku qasan garoonka Emirates ku qaadanayo.

Oxlade-Chamberlain ayaa haatan dhaawac ku maqan,laakiin waxaa lala xiriirinayay kooxo dhowr ah ka hor furitaanka xagaaga suuqa kala iibsiga.

Liverpool iyo West Ham ayaa loo arkaa in ay xiisaha ugu badan u qabaan 22-sano jirkaan.