Kooxda Arsenal 4-kulan ee ugu dambeesay oo ay cayaartay dhamaan tartamada kala duwan waa laga badiyay kooxdana jawi kacsan ayay bartanka kaga jirta.
Arsenal waxay 33-dhibcood ka hooseeyaan naadiga Man City oo horyaalka Ingiriiska hogaamineyso halka ay 25-dhibcood ka sareeyaan kooxda West Brom oo horyaalka ugu hooseyso.
Hadaba Arsenal Khamiista waxay garoonka San Serio kula cayaari doontaa naadiga AC Milan lugta kowaad wareega 16-aad ee Europa League.
AC Milan waxay Arsenal ugu tala gashay ama u baneesay 4,000 oo kuraas ama tikit iyo 1000 tikit oo dheeraad ah hadii ay u baahdaan.
Balse haatan Arsenal waxaa laga soo xigtay in 2000 tikit oo kaliya la iibsaday ama 2000 taageero kaliya diyaar u yihiin Khamiista inay kooxda la safraan.
Taasi oo muujineyso in taageerayaasha Gunners-ka ka careesan yihiin hoos u dhaca kooxda heesto iyo in weli macalin Arsene Wenger naadi sii leylinaayo halkii laga racadeen lahaa.



