Arday lagu soo oogay dacwadda weerarkii masaajidka Kanada

Booliiska dalka Kanada ayaa dacwad ku soogay arday asalkiisu Faransiis yahay oo dhalashada Kanada haysta kaas oo loo haysto lixdii ruux ee muslimiinta ahaa oo lagu dilay masaajidka Quebec.

Alexandre Bissonnette ayaa wajahaya lix dacwadood oo dil ah iyo shan dacwadood oo isku day dil ah.

Wiilkan 27 jirka ah ayaa si kooban uga soo muuqday maxkamadda Quebec Axaddii isaga oo loo haysto weerarkii Axaddii dhacay Xarunta Islaamka ee Quebec.

Kanada oo dhan ayaa looga baroor diiqay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkaas iyadoo shamacyo loo shiday.

In kabadan konton ruux ayaa jameecaadka cishaha ka qaybqaadanayay marka uu weerarku dhacay.

Sagaal iyo toban ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, dhamaantoodna rag ayay ahaayeen, shan ka mid ah ayaana wali isbitaalka ku jira oo dawayn u socotaa.

Mohamed Khadir oo reer Marooko ah oo weerarka loo qabtay ayaa hadda loola dhaqmayaa sidii goobjooge.