Mid ka mid ah Shantii Xildhibaan ee doorashadooda la celiyay oo maanta la doortay

Magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa waxaa maanta lagu doortay mid ka mid ah Kuraastii Guddiga doorashooyinka ay dib u celiyeen.

Hoolka Jaamacadda PSU ee Magaalada Garowe ayaa lagu doortay Xildhibaan Cabdi Maxamuud Afdhuub oo ahaa xildhibaankii horay doorashadiisa loo celiyay.

Goobta ay ka dhaceysay Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Waxgaradka Beesha Ugaar Saleymaan  iyo Guddiga doorashooyinka dadban.

Cabdi Maxamuud Afdhuub ayaa horay waxaa loogu eedeeyay in uu kusoo baxay Musuqmaasuq.