Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Nabad Suggida Jubbaland ay xabsiga dhigeen Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland.
Xildhibaanka la xiray ayaa lagu magacaabaa Shuceyb Ibraahin Faarax, waxaana laga soo doortaa gobolka Gedo.
Waxaa lala xiray qof dumar ah.
Ilaa iyo hadda Nabad suggida Jubbaland Faahfaahin kama bixin sababta loo xiray Xildhibaanka.


