Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay go’aankii Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku joojiyay dal ku galka dalal ay kamid tahay Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliy ay tahay dowlad dagaal kula jirta waxa ay reer Galbeedku ay ugu yeeraan Argagixisada.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka ay yihiin dad waxbadan kusoo kordhiyay Mareykanka.
Hoggaanka Mareykanka ayuu ugu baaqay in uu ka laabto go’aankaasi.


