Xiisad ayaa Maanta ka taagan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ka dib markii Al-Shabaab ay ciidamo aad u farabadan ay soo dhoobeen duleedka degmadaasi.
Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay wadaan abaabul ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan weeraro Al-Shabaab ay kusoo qaadaan.
Sidoo kale ciidanka dowladda Kenya oo Saldhig ku leh degmada Afmadow ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka hortagayaan weeraro kaste oo kaga yimaada Al-Shabaab.


