Gool Dhaliyaha Chelsea Diirada U Saarnaa Ee Moussa Dembele Oo U Duulay Galbeedka London

Kadib markii ay Chelsea dhigeeda Celtic su’aalo ka waydiisay sida ay ku heli karto saxiixa gool dhaliyaha sida wayn loo qiimeeyo ee Moussa Dembele ayay soo baxeen warar sheegaya in Moussa Dembele uu diyaarad u soo raacay galbeedka London waxaana xidigan lagu sawiray isaga oo u duulaya London, waxayna arintani keentay in ay dabka ku sii shido wararkii Moussa Dembele la xidhiidhinayay kooxda Antonio Conte ee Chelsea.

Laakiin kooxda Celtic ayaa markiiba meesha ka saartay in safarka Moussa Dembele ee London uu la xidhiidho xiisaha Chelsea ay xidigan ku doonayso waxayna kooxda ree Scotland sheegtay in Dembele uu London u tagay si uu baadhitaan jilibka ah ugu soo maro kadib markii uu dhaawac soo gaadhay.

Saxaafada Ingiriiska iyo France ayaa si wayn wax uga qoraya safarka uu Moussa Dembele ku tagay magaalada London iyada oo xidigan lagu sawiray markii uu diyaarada u raacayay London. Chelsea ayaa si wayn u doonaysa saxiixa xidigan inkasta oo kooxda Celtic ay ku adkaysanayso in aanu iib ahayn isla markana waxay wararku sheegayaan in aanu da’yarkani wali diyaar u ahayn in uu Celtic ka baxo.