DHAGEYSO WAREYSI: Musharaxiin isaga baxay Doodii Maanta

Sida uu qorshuhu ahaa Maanta ayaa lagu waday in magaalada Muqdisho  lagu qabto dood wadaag ay ka qeyb galayaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 24 musharax , waxaana lagu waday in 12 ka mid ah ay maanta gelinka hore ay doodaan.

12 Musharax ayaa maanta diiday in ay ka qeyb galaan dood wadaag ka dib markii ay sheegeen in xubno ka tirsan dowladda ay doonayaan in dooda ay noqoto mid qarsoodi ah oo warbaahinta madax banaan aysan ka qeyb galin.

Maxamuud Axmed Nuur tarsan oo ka mid ah Musharaxiintaa maanta dooda diiday ayaa Risaala u sheegay in warbaahinta madaxa banaan loo diiday dooda , islamarkaana Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay dooda Afduubteen.