Arda Turan oo laga saaray tababarka Barcelona

Barcelona ayaa maanta qiimeyn doonta xaalada caafimaad ee Arda Turan ka hor safarka Arbacada au ku tagayaan kooxda Deportivo La Coruna ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe dhawac uu soo gaaray.

Arda ayaa seegay tababarka kooxda Luis Enrique maanta ay sameeyeen isagoo bartinaa la marsiiyay subaxnimadii hore ee saaka lagu ogaaday dhawaciisa.

Barcelona ayaa ku baahisay Twitter:“Arda Turan lwaxaa laga saaray tababarkii maanta waxaa la kabashada go’aamin doona waqti dambe inuu diyaar u yahay kulanka habeen dambe kooxda wajaheyso Deportivo La Coruna.”

Luis Enrique ayaa afar kulan oo guul la,aan ah La Liga, taasoo ka dhigeysa in Atletico Madrid iyo Real Madrid ay dagaal kula jiri doonaan weli.