Alexis Sanchez oo noqday gooldhaliyaha ugu sareeya qaranka Chile kadib goolkii Jarmalka

Weeraryahanka qaranka Chile Alexis Sanchez ayaa dhigay rikoor gaar ah caawa kadib markii uu xulkiisa hogaanka u dhiibay kulanka ka soconaya Kazan ee ka tirsan koobka Confederation Cup.

Hogaamiyaha Gunners ayaa shabaqa soo taabsiiyay kubad uu lugta bidix ku turay markii uu caawinaad ka helay Arturo Vidal inkastoo daafaca Jarmalka ay markii hore kubadda iska qaldeen goolkaas ayuuna ku galay taariikhda qarankiisa.

Alexis Sanchez wuxuu noqday goolhdlaiyaha ugu sareeya qarankiisa wuxuuna caawa dhaliyay goolkiisii 38-aad, waxaana rikoorkaan la wadaagay markii hore Marcelo Salas oo ay wada joogeen min 37-gool.

Sales wuxuu qaranka Chile ka tirsanaa intii u dhaxeysay 1994 ilaa 2007, waxaana sadexaad ku jira Ivan Zamarano kaas oo qaranka ka mid ahaa intii u dhaxeysay 1987 ilaa 2001 kaas oo dhaliyay 34-gool.