Al-Shabaab oo Wiil & Aabihiis kudilay weerar ka dhacay duleedka Wajeer

Rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaaday gaari marayay inta u dhaxeysa degaannada Jabibar iyo Bamboo ee Waqooyiga Mandheera ee dalka Kenya , sida ay booliisku sheegeen.

Aabe iyo wiil uu dhalay ayaa lagu dilay weerar kadib markii Labada qof oo watey gaari Landcruiser ah lagu rasaaseeyay waddada Rhamo-Elwak, booliiskuna waxay sheegeen in saddex qof oo kale oo rakaab ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Guddoomiyaha degmada Mandheera, Onesmus Kyatha, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay in gurmad loo diray deegaanka si ay uga daba tagaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Saddexda qof ee dhaawacantay ayaa waxa ku jiray mid kamid ah ciidamada kaydka qaranka ee saldhiga Jabibar, waxaana dadkaan la weeraray ay kusii jeedeen tuulada Gari, iyada oo dhaawacyada la geeyay Isbitaalka degmada Rhamo, sida ay booliisku sheegeen.

Deegaanka weerarka uu ka dhacay ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana dadka halkaasi ku safra ay la kulmaan weeraro joogto ah oo kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab, waxaana arrintaan ay kusoo beegmeysaa xili maalmo ka hor ay Al-Shabaab ay kaxeysteen gaari uu lahaa mid kamid ah dadka deegaanka Mandheera.