Ururka Alshabaab ciidamo ka tirsan ayaa fagaare ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ku toogtay ruux u dhashay dalka Tanzania kaasi oo Alshabaab ka tirsanaa.
Muwaadinta toogashada lagu dilay ayaa lagu magacaabayay Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa kaasi oo Alshabaab kusoo biiray sanadkii 2013, waxaana sida Alshabaab ay sheegeen uu ku dhashay caasimada dalka Tanzania.
Al Shabaab ayaa sheegay ninkaan inuu la shaqeynaayay Sirdoonka dalka Mareykanka oo uu lacago ka qaatay sida uu sheegay Qaadi ku dhawaaqayay xukunka dilka ah ee Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa lagu fuliyay.
Qaadiga ayaa sheegay Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa inuu maxkamada horteeda qiraal ka sameeyay, qiraalkaasi oo ku aadan inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ku sugan, uuna ka qaatay lacago dhowr mar.
Qaadiga ayaa ugu dambeyn sheegay xukunka Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa inuu yahay dil toogasho ah, waxaana durbadiiba goobta lagu toogtay ninkaan u dhashay dalka Tanzania ee Shabaab Jaajuusnimada ay ku eedeeyeen.


