Al-Shabaab oo sheegtay in ay gacanta ku hayaan degmada Tayeeglow

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool oo maalintii Sadexeed uu ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Ururka Al-Shabaab.

Shabaab ayaa sheegtay in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka saareen degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool , islamarkaana ciidankooda ay howgallo ka wadaan degmada Tayeeglow.

Xaalada degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ayaa cakiran , waxaana gacan ku heynta degmadaasi isku bedbadalaaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Xalay ayaa Magaalada waxaa ka dhacay Qaraxyo xoogan.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa wali la ogeyn .