Doorashada Aqalka Hoose oo Maanta ka dhaceysa Jowhar

Doorashada Aqalka Hoose ayaa maanta  waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada  Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wajiga kowaad ee doorashada ayaa Maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada Jowhar , waxaana ku tartami doono siyaasiyiin si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in maanta bilaabaneyso doorashada , waxaana ay sheegeen in ay dardar gelin doonaan howlaha doorashooyinka.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana ciidamo dheeraad ah lasoo dhigay goobta ay ka dhaceyso doorashada Aqalka Hoose.