Andre Villas-Boas Iyo John Terry Oo Markale Hal Koox Ku Midoobaya

Andre Villas-Boas, ayaa doonaya in ay dalka Shiinaha ku midooban isaga  iyo daafaca kabtanka u ah kooxda Chelsea ee John Terry .

Kabtanka Chelsea Terry ayaa waxa indhaha ku haya kooxda Super League Shinaha ciyaarta ee Shanghai SIPG, halkaas oo uu joogo tababarihii hore ee Blues Villas-Boas oo bedelay macalinkii hore ee England Sven Goran Eriksson horaantii bishaan.

SIPG ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa Terry oo 35-sano jir ah – macalin AVB iyo Terry ayaa waqti ku qaatay xilli ciyaareedkii 2011-12  koxda Chelsea.

January marka u furmo suuqa kala iibsiga Andre Villas-Boas ayaa doonaya inuu keeno daafacaan awoda leh ee kujira bilihi ugu dambeeyay qandaraaskiisa kooxda ka dhisan Galbeedka London.

Andre Villas-Boas ayaa ku sheegay Terry inu yahay daafaca awod badan kaasoo karti u u leh inu wax badan kuso kordhiyo kooxdiisa