Sh/Dhexe-RisaalaFM- Xili xalay magaalada Jowhar lagu dilay taliyihii Nabad suggida gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa war ka baxay Al-Shabaab lagu sheegay in ay ka dambeeyeen dilka loo geystay taliyihii nabad suggida Shabeelaha Dhexe.
Shabaab ayaa sheegay in ay dileen Taliyihii nabad suggida ayna dhaawaceen taliye ku xigeenkii,islamarkaana ay howlgalkaas fuliyeen ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab.
Alle ha unaxariistee C/wali Ibraahim Nuur oo ahaa Taliyihii ciidanka Nabad Sugidda Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa Xalay lagu dilay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/Dhexe.
Dilka Taliyaha ayaa waxaa ka dambeeyay mid ka mid ah ilaaladiisa, waxaana la sheegay xilliga Taliyaha la dilaayay inuu ku sugnaa Xarunta Hay’ada Nabad sugida ee Magaalada Jowhar.


