Al-Shabaab oo ka hadlay Qaraxii Saaka ka dhacay Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii ka dhacay dhismaha laanta Canshuuraha ee ku dhow dekeda Weyn ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Waxa ay sheegteen Al-Shabaab  in weerarkaasi ay ku dileen 30 Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda ayaa sheegaya in Qaraxaasi ay ku dhinteen dad ku dhow 12 qof oo u badnaa dad shacab ah.