Doorashada Aqalka Hoose oo ka socota Garowe iyo xildhibaano kusoo baxay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socota doorashada Aqalka Hoose oo maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jirtay.

Magaalada Garowe ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in lagu doorto 7 kursi.

Doorashada oo  saaka dib uga bilaabatay Garowe ayaa ilaa iyo hadda waxaa kusoo baxay Maxamed  C/laahi Faarax oo helay 49-cod ,Daahir Maxamed Muuse oo helay 36-cod,Cabdi rashiid Gaboobe oo helay 27-cod

 

Doorashada Aqalka Hoose ee degaanada maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo todobaakaan sida uu sheegay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.