Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Yurkud oo qiyaastii 40-KM u jira Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo, dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa Itoobiya ayaa halkaasi ka dhacay.
Dagaalkaan oo ay qaadeen ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamada Itoobiya ee fariisimada ku leh deegaanka Yurkud.
Labada dhinac ayaa la sheegaya in uu dhex maray dagaal muddo saacado ka qaaday waxaana la sheegaya in ay Shabaab weerarka ku bilaabeen hoobiyeyaal iyo sidoo kale madaafiic ay ku garaaceen ciidanka Itoobiyaanka ah.


