Al-Shabaab oo burburiyay anteeno Isgaarsiineed oo laga leeyahay dalka Kenya

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen Anteeno Isgaarsiineed oo ku taalay deegaanka Dhamase, dhanka Kenya.

Anteenadan ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Taliyaha ciidamada Booliska Deegaanka Lafey ee dalka Kenya Bossita Omukolongo.

Sarkaalkaan ayaa sheegay Anteenada la burburiyay inay aheyd Shirkada Safaricom, islamarkaana si aad ah deegaanka looga isticmaalaayay.

Shalay gelinkii dambe ayeey Shabaabka burburiyeen Anteenadaasi sida Saraakiisha ay sheegeen, waxaana sidoo kale la tilmaamay dagaalyahano badan oo Shabaab ka tirsan in lagu arkay deegaano xuduuda ku yaal.

“Waxba ma aynaan arkin, laakiin dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay arkeen in ka badan 100 dagaalyahan oo hubaysan.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Deegaanka Lafey ee dalka Kenya Bossita Omukolongo

“Waxaan maqalnay 13 gaari dagaal oo Shabaab ah inay ka gudbeen deegaanka Ceelcadde, warbixin dhanka Sirdoonka ah ayaa sheegaysa in Shabaab ay qorsheynayaan weeraro, laakiin inaga ma hubno.” Ayuu warkiisa sii raaciyay